Maxaynu Wax U Akhrinaa?
Sidee unoqonkartaa qof kufiican wax Akhriska Akhrisku waa mid ka mid ah hilinnada aqoonta looga arooro.Waa quudka maskaxda. Waa dhex mushaaxa caqliyada dadka, waana nolol kale oo dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxa laga dheehdaa, sida ay akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana ogaalkiisu wuxu gaadhsiisan yahay kalba inta akhriskiisu yahay. Akhrisku bulshooyinka feejigan, mustaqbalkana abdo ka qaba, wuxu uga dhiganyahay, baahiyaha lagama maarmaanka ah, sida: cunista iyo cabista, ma qofbaa noolaan kara cunto iyo cabbis la’aan? Sidaas oo kale akhris la’aantuna waa xaalad taas la mid ah. Bulshooyinka aan dareemin qiimaha akhrisku leeyahay, ubadkooda aan ku ababin, waxyaalihii fududaynlahaana aan samayn, noloshooda ayey ka muuqataa, waxaaba la odhan karaa bulshada aan waxba akhriyini maba noola! Bulshadeennu waxay ka mid tahay, dadyowga aan dhaadanayn qiimaha aqoonta, aqoonyahan iyo caamaba arrintaa waa laga siman yahay, iyadoo ay sidaa ahayd baa maanta...