Islabeddelka Wakhtiga
Isbeddello waawayn ayaa soo socda. Sanadaha soo socda, waxaa imaan doona boqolaal hindise da'a yar sida Alexander Graham( waa ninkii taleefoonka hindisay). Waxaa imanaya boqolaal Bill Gates oo kale iyo shirkado Microsoft la mid ah sanad walba, dunida oo dhan. Sidoo kale waxaa iman doona burburo ganacsiyeed, shaqo-ka-cayrinno iyo hoos udhacyo badan. Dhulka ayaa hodannimadu ku koobmayd, 300 sano ka hor. Qofkii dhul leh ayaa hodan ahaa. Kadib hodannimadu waxa ay ahayd dadka warshadaha iyo shirkadaha leh. Ciddii warshad leh ayaa hodannimada haysatay. Maanta hantidu waxa ay ku jirtaa xogta. Hadba qofka haya xogta(aqoonta) ugu dambaysay ayaa hoggaamin hodannimada. Dhibta jirtaa ayaa ah in xogtu ku socdaasho xawaaraha ilayska oo kale, dunidana u kala gooshto si ilbiriqsiyo ah. Hodannimadaan cusubi ma aha mid xuduudaha iyo seerayaashu celin karayaan. Isbeddeladaani waa kuwo xawaarahoodu sarreeyo, xooggooduna waynyahay. Waxaa aad u badan doona tirada dadka hodanka noqonaya, waxaana ima...