Islabeddelka Wakhtiga
Isbeddello waawayn ayaa soo socda. Sanadaha soo socda, waxaa imaan doona boqolaal hindise da'a yar sida Alexander Graham( waa ninkii taleefoonka hindisay). Waxaa imanaya boqolaal Bill Gates oo kale iyo shirkado Microsoft la mid ah sanad walba, dunida oo dhan. Sidoo kale waxaa iman doona burburo ganacsiyeed, shaqo-ka-cayrinno iyo hoos udhacyo badan.
Dhulka ayaa hodannimadu ku koobmayd, 300 sano ka hor. Qofkii dhul leh ayaa hodan ahaa. Kadib hodannimadu waxa ay ahayd dadka warshadaha iyo shirkadaha leh. Ciddii warshad leh ayaa hodannimada haysatay. Maanta hantidu waxa ay ku jirtaa xogta. Hadba qofka haya xogta(aqoonta) ugu dambaysay ayaa hoggaamin hodannimada. Dhibta jirtaa ayaa ah in xogtu ku socdaasho xawaaraha ilayska oo kale, dunidana u kala gooshto si ilbiriqsiyo ah. Hodannimadaan cusubi ma aha mid xuduudaha iyo seerayaashu celin karayaan. Isbeddeladaani waa kuwo xawaarahoodu sarreeyo, xooggooduna waynyahay. Waxaa aad u badan doona tirada dadka hodanka noqonaya, waxaana imaan milyandheero aad u tiro badan. Sidoo kalena waxaa jiri doona kuwo badan oo laga tagay(laga dheereeyey).
Maanta waxaa ii muuqda dad aad u badan aadna u dedaalaya balse aan rafaad ka dhammaanin noloshooda dhan, maxaa yeelay waxa ay wali ku dhegganyahiin aragtiyo hore oo duugoobay. Waxa ay doonayaan in wax walba ahaadaan sidii ay ahaan jireen, sidoo kalena in ay isbeddelada iska caabbiyaan ayaa ayna isku dayayaan. Waxa aan ogahay dad badan oo shaqo la'aan ama waayista lahaanshahii guryahoodu ay ku dhacayso kuwaas oo eedaynaya isbeddelka tiknoolojiyadda, dhaqaalaha, casriga ama shirkadaha ay u shaqeeyaan. Waxa ay ku guuldarraysteen iswaydiinta in ay ayagu ahaan karaan dhibta oo dhan.
Aragtiyahaas laga tagay ee ay haystaan ayaa maqsar ku ah. Waxa aysan fahmin in aragtidaasi ay hanti ahaan kartay shalay balse maanta shalay ma aha. Waa laga tagay shalay iyo aragtidaasba.
La jaanqaad dunida cusub iyo isbedellada joogtada ah.
للتقدم ايها اخ
ReplyDeleteحسنن 🙏 شكرا على مشاركة
DeleteReally prother jamaa
ReplyDeleteWaad mahadsan Tahy wll Akhris wngsan
Deletethnks bro
ReplyDeleteLove you🙋♂️🙋♂️🙋♂️🙋♂️❤
Delete