Gorfaynta Buugga Dabinkii Jiraalka
Gorfaynta buugga: Dabinkii Jiraalka Mustafe Cabdilaahi Cismaan (Faynuus) Qore: Maxamed Xirsi Bogagga:187. Daabacaadda: Hiil Press. Muddo bilo ah oo aanan Soomaali buug ama qormo xitaa ku akhrin, baa fasaxii COVID19 fakaag u helay buuggan oo la ii ammaanay, la iigana digay in qoraagu Calmaani fogaaday yahay oo aan iska ilaaliyo! Maalin aniga dhowr saac oo aan akhrinaayay ka dib, dibadda u baxay si aan nasasho yar ugu soo qaato, oo aan awood iyo baaxad iga luntay intii aan fadhiyay u soo ceshado, waaba isaga oo buuggii gacanta ku haya oo akhrisanaya, buugaagta kale ugama aan baqan jirine, kan waan u naxay, da' uu ku xammilo shahwaaniyaddan qaawan iyo garaad uu ku qaadi karo fikirradan mutuxan ee buuggan ku dhigan ma uu jiro! Si tartiib ah baan u wayddiiyay bogga uu maraayo, oo waaba aan hubsaday, "Waa Alle mahaddii, meelihii baas ma uu gaadhin" baan hoosta ka idhi, si farsamaysanna waan uga furdaamiyay oo sidii baan ku sii ...