Gorfaynta Buugga Dabinkii Jiraalka

 Gorfaynta buugga: Dabinkii Jiraalka

Mustafe Cabdilaahi Cismaan (Faynuus)

Qore: Maxamed Xirsi

Bogagga:187.

Daabacaadda: Hiil Press. 


             Muddo bilo ah oo aanan Soomaali buug ama qormo xitaa ku akhrin, baa fasaxii COVID19 fakaag u helay buuggan oo la ii ammaanay, la iigana digay in qoraagu Calmaani fogaaday yahay oo aan iska ilaaliyo! Maalin aniga dhowr saac oo aan akhrinaayay ka dib, dibadda u baxay si aan nasasho yar ugu soo qaato, oo aan awood iyo baaxad iga luntay intii aan fadhiyay u soo ceshado, waaba isaga oo buuggii gacanta ku haya oo akhrisanaya, buugaagta kale ugama aan baqan jirine, kan waan u naxay, da' uu ku xammilo shahwaaniyaddan qaawan iyo garaad uu ku qaadi karo fikirradan mutuxan ee buuggan ku dhigan ma uu jiro!  Si tartiib ah baan u wayddiiyay bogga uu maraayo, oo waaba aan hubsaday, "Waa Alle mahaddii, meelihii baas ma uu gaadhin" baan hoosta ka idhi, si farsamaysanna waan uga furdaamiyay oo sidii baan ku sii watay ilaa aan ka dhammaynaayay.


I. Hordhac & Guudmar.


Buuggu waa sheeko-faneed si heer sarraysa loogu faro-yaraystay, taas oo ku saabsan nolosha dadyoow isku isir ah haddana meelo kala duwan ku noolaa, gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Dadyoow kala duruuf iyo dan duwan baa ay sheekadu goobo isugu keenaysaa, taas oo xidid u ahaanaysa qoolasha ama DABINKA uu qoraagu buugga u la baxay. Jilayaashu badi waxay u eegyihiin dad badan oo Soomaali ah, oo aan odhan karo waa figradda uu qoraagu diiradda saaraayay. Diiriye waa atooraha ku galgalanaaya, ee iskaga tallaabaayaa miyiga Soomaaliya ilaa magaalooyinak Yurub, waa ninka kitaab-xooraaya ee Ilaah-diid ku danbaynaaya, aakhirkana waxa uu kolba cid harawsado ee uu figradaha Shuuciyadda cid ku akhriyaba is dhiibaaya ee isaga oo nool ruuxdiisa iyo maankiisu galbanayaan. Sooyaal ahaan, sheekadu waxay cabbiraysaa inta uu fac noolaado, oo qiyaas ahaan qarni ku dhowdhow.


II. Maxaan u Bogay?


Dhiganahan, aragtidayda waxa uu ku jiray nus-darsin noociisan oo aan akhriyay, dhammaantoodna waxa uu kaga soocan yahay bar-bilowga, isku-xidhka dhacdooyinka iyo gebagabada. Matalan, qoraagu wuxu ku bilaabayaa sheekada isaga oo adeegsanaaya tabta ‘Exposition’ taas oo kol ku sii baraysa jilayaasha ugu culus ee aad kula kulmi doonto gudaha buugga, kol kalena hal-xidhaale ku noqonaysa akhristaha; isla qaabkaas baa uu qoraagu adeegsanayaa dhammaadka sheekada, iyada oo hal-xidhaalihii bilowgu furmay oo aad garanayso sababta ay dadkani goobtan ugu kulmeen iyo waxa ay yihiinba, iyana waa tab kale oo qoraagu adeegsaday oo loogu yeedho ‘Resolution’, horena buug Soomaali ah aanan ugu arag. Waan ku bogaadinayaa qoraaga.

   


III. Maxaan Ku Diiddanahay?


Saddex baan kaga biyo-diiday buugga, qoraagana ku dhaleecaynayaa:

                 B. Waxaa buugga ku jira aragtiyo badan oo foolxumo-jiid ah, kuwaas oo ay fidinayaan qayb ka mid ah ama ugu badnaan jilayaashu, ka kow yahay aktarka sheekadu (Diiriye Maarkoos), aragtiyahaasi waa kuwo dood ahaan aad u jaban oo liita oo qofka waxoogaa yar oo aqoon-guud ah u baahan yahay si uu u bushiyo, balse waxaa la yaab leh in sheekadan dhan laga waayay hal qof oo bushiya doodahaa liita ee dadka la hor keenayo? (Illeen waa in sheekadu furfurto wayddiimaha ay qabaan jilayaashu, haddii kale waa faral uu qoraagu saaray akhristaha oo uu isagu oo qoraaga ahi dhan u ridi kari waayay!) Matalan; Diiriye oo mulxid ah baa duraya nolosha ifkan, waxaaba uu aamminsan yahay in ay gef ahayd in ifkan kadeedka ah aadanaha lagu waalo, haye, dabadeedna? Waxa uu niman ay shaqo wadaag ahaayeen ku harawsanayaa in aanay ahayn in ifkan kadeedka ah la yimaaddo, indhaha ayay taagtaagayaan oo amakaag bay ka qaadayaan, micnaha waa dad badow jaahiliin ah. Waxa uu sii raacinayaa in aanay jirin caddayn maaddi ah oo ILAAHAY-SoK jiraalkiisa sheegaysaa! Waa la is eegayaa oo aamus u dhigan in ay qaateen ama shaki wayn galay baa muuqanaysa, JOOGSI! Caddaymaha maaddiga oo looga jeedo la taaban karo lama ba koobi karo oo noloshan oo dhan ayaa maaddi ah oo innoo sheegaysa jiraalka Eebbe SoK, oo waa wax badanka la wada garanayo dhaqan ahaanna ilmaha abaydinka ah ee miyiga jooga baa lagu ababiyaa in muuqaallada arliga oo dhan Eebbaha wayn caddaynayaan, dadkaa uu qoraagu sheegaayo ee intaa garan waayay garan maayo in uu jeebkiisa kala soo baxay, oo uu khiyaal been ah ku dhisay ama in uu ogaantiisa ugu badheedhay gefkaas, hadda eeg, xitaa haddii uu qoraagu inna odhanaayo way jiri kareen dad noocaas ah oo Soomaali ahi, waa wax ixtimaali ah ‘Probable’ run iyo been labadaba noqon karaysa, taasina dooddiisa ayay dhaawacaysaa.

Haddii qoraagu, ula-kac ka ahayd, waxa iga odhaah ah: Mudane, waa laga gudbay xilliyadii wax walba oo la maqlo ama la qoro duuduub lagu liqi jiray, wacyiga soo bidhiiqaya ee bulshada ayaa ka biyo-diidaya oo aan aqbali karin middaas.

T. Aragtida wadaad-nacaybka: Wadaaddada diinta in la caayo ama la bahdilaa ma aha wax ugub ah, ee waa mid in badan soo taagnaa, ilaa waagii Nabiga (NKH) baa sumcad-dil iyo ceebayn la la dabataagnaa, waxa se aan dhaliil wayn u arkaa in jilaaga keli ah ee wadaadka ahi carqalad iyo dhib joogto ah ku yahay nolosha bulshada ay sheekadu sawirayso. Ma dafiraayo, waaba aan qirsanahay kaalinta taban ama togan ee wadaadku ka qaatay gudaha Soomaalida, si la mid ah aqoonyahanka, siyaasiga iyo qalinleyda; ase iin oo idil la saaraa waxa ay noqonaysaa marin-habaabin ‘Fallacy’ cad oo qaawan; inkasta oo ay tahay mid aan xoogganayn haddana waxa ka dhalanaaya natiijo xun oo ah in wadaad walba tabtaas oo kale yahay( Sida ay u muuqanayso), Matalan haddii aan idhaahdo: Qoraayada sheekooyinka badankoodu waa qalin cuddoonyihiin, Warfaa waa qoraa sheekooyinka qora, sidaa daraaddeed, Warfaa waa qoraa qalin cuddoon. Sidaa aad aragtaan natiijadaa ah in Warfaa qalin cuddoon yahay ma aha mid run badhaxa ah ee waxaa dhici karta in isaga oo sheekooyinka qora haddana uu noqon karo qoraa qoraalkiisu liito, balse marka hore waxa ay dooddani u muuqataa mid sax ah oo ku hoos mari karta. La ogaayoo, gorayo haad bay noqotay!!

J. Waxa aan aad iyo aad u durayaa sida uu qoraagu u xushay erayada uu kaga faalloonaayo kulannadii dhex maray Dhudi intii ay dhaqan-celiska qol qol-joogta ah ahayd iyo wiilkii ay sheeka-wadaagga ahaayeen, falalkii jinsi ee dhex maray in carrabka lagu ballaadhiyo waxa uun bay la mid tahay filin galmo ah oo aad badka keentay! Walibana maanka akhristaha ku dhigmaaya. Maangal waxaa ah oo lagu doodi karaa in intaa yari akhristayaal badan ka mashquulisay ama illowsiisay boqollaal faa'iido oo uu maankiisa ku soori lahaa.

Akhiiran, buuggani waa mid la majeeran karo qoraal ahaan iyo qaab ahaanba, sidaa si la mid ahna lagu diidi karo isdiiddooyinka waallida ah ee uu xanbaarsanyahay. Aragtidayda, aan ka qabay ama aan odhan lahaa baan intaa ku soo ururinayaa. Qiimaynta buuggan waxaan siinayaa 8/10.


Comments

Popular posts from this blog

Reflecting at 25: Gratitude, Growth, and Future Aspirations

From Zero To Hero