Gorfayn Buug

Gorfaynta Buugga The Richest Man In Babylon.


Hordhac
Halkan waxa aan ku soo gudbinayaa soo koobid iyo gorfayn ku saabsan dhiganaha “Ninkii Baabila Ugu 
Hantida Badnaa (The Richest Man In Babylon)”. Buugga asalkiisu waxa uu ku qornaa Af-Ingiriisi. Waxa
qoray George S. Clason. George Samuel Clason waxa uu ahaa qoraa wax ka qora dhaqaalaha iyo 
ganacsade. Clason dabshidkii 1926-kii ayuu bilaabay in uu soo saaro taxane buug-yareyaal ah oo 
dhaqaalaha ka warramayey. Buuggaagtu waxa ay ahaayeen kuwo laga qoray magaaladii qadiimiga 
ahayd ee Baabila. Qoraalladaas oo aad u baahay ayuu markii dambe qoraagu buug u beddelay, isaga 
oo u bixiyay magaca sheekadii ugu caansanayd taxanaha sheekooyinka oo ahayd ‘Ninkii Baabila ugu 
hantida badnaa.’
Dhawaan ayuu afkeenna Soomaaliga u tarjumay Dr. Jaamac Sahal oo ah dhakhtar caafimaad iyo qoraa 
da’ yar oo dhawaanahan tarjumay dhawr buug oo aan dhanka waxtarka kala dhicin. Tarjumaadda Af-
soomaaliga ah ee Dr. Jaamac ayaa gacantayda soo gashay dhammaadkii bishii 7-aad ee sannadkan 
2019-ka. Xasan Kaabe, oo ka tirsan Akadamiyadda Gorof, ayaa igu soo simay. Laba nuqul oo buuggan 
ah ayuu qaab aan hadiyad ahaan ku sheegi karo iigu keenay. Tiroba laba jeer ayaan akhriyay bilawgii 
bisha August. Waa buug si fiican loo qoray oo ka kooban 205-bog. Waxa daabacday madbacadda Hiil 
Press oo beryahan dambe ah maktabadda inta badani banaan tahay ee Soomaalida khaanado badan 
soo buuxisay. Waan bogaadinayaa qoraaga, madbacadda iyo cid kasta oo qayb ka ahayd soo bixidda 
buuggan qiimaha badan. Sidoo kale, aan u mahadceliyo Akadamiyadda Gorof oo suurtagalisay in 
buuggani iigu yimaaddo magaalada Berbera. Buuggu waxa uu ka kooban yahay toban qaybood ama 
cutub oo mid waliba saamayntiisa iyo culayskiisa wato.
Horumarka guud ee dal ama bulsho waxa uu ku xidhan yahay isu geynta haynta dhaqaale ee qofafka 
ummaddaasi ka kooban tahay. Si guud buuggan, Ninkii Baabila ugu hantida badnaa, waxa uu ka 
hadlayaa sida uu qof kastaa guul dhaqaale ku gaadhi karo. Waxa uu ina tusayaa dariiqyada lagu 
gaadho guul dhab ah, taas oo ay fure u tahay dedaal uu qofku la yimaaddo. Qofka buuggan akhriya 
ee dhaqangeliyaa waxa uu helayaa dawada saboolnimada iyo fahanka dhaqaalaha, taas oo uu 
qoraagu ku sheegayo in ay tahay ujeedada ugu wayn ee uu buugga ka lahaa. Sidoo kale, buuggu waxa 
uu inoo iftiiminayaa sida dhaqaale loo sameeyo iyo sida loo kaydsado, sida daynta looga baxo iyo sida 
sharaf loogu noolaado. Waxa uu qaybaha u dambeeya innagu tusayaa dad tijaabiyay aragtiyaha buuggu xambaarsan yahay oo dhammaantood ka gaadhay guul ay mahadiyeen. Waxa uu qoraagu ina dhex gaynayaa magaaladii Baabila oo ahayd xudunta dhaqaalaha ee casrigeedii iyo magaaladii dunida ugu dhaqaalaha badnayd.



Cutubka Koowaad: Muuqaal Ka Bixin Magaaladii Baabila

Qaybtan koowaad waxa aynu ku baranaynaa magaaladii Baabila. Waxa la sheegaa in aan sooyaalka 
lagu hayn magaalo ka qurux badnayd Baabila. Waxa ay ku caanbaxday guryo qurux badan, qasriyo, 
guri-diimeedyo ashqaraar leh iyo derbiyo waawayn oo ku wareegsan kuwaas oo ammaan ahaan 
magaalada ugu jiray halka ay hadda lidka gantaaladu ugu jiraan quwaddaha waawayn ee dunida. 
Dadkii casrigeeda noolaa marka ay magaca Baabila maqlaan waxa ay xasuusan ama sawiran jireen 
wax aynnu ku tilmaami karno janno adduun; waxa hor iman jiray hummaag tusaya dhaqaale iyo dad 
hodan ah.
Inta badan marka ay dadku haatan maqlaan magaalo sidaa u dhaqaale iyo qurux badnayd, waxa ay 
sawiranayaan in ay ahayd magaalo ku dhex taallay buuro macdani ka buuxdo oo ay webiyo iyo 
bustaanno ka buuxeen, dadkeeduna nimcada ka dhaxleen dabeecadda iyo cimilada meesha ay ku 
taallay. Baabila waxa ay ku agtaallay webiga Furaat, waxa ay ka binaysnayd dooxo aan buur iyo xataa 
dhagax wax lagu dhisto lahayn. Ma ay lahayn hal waddo oo socdaalalda ganacsigu maraan ee waxa ay 
ahayd oomane roobku xataa ku yar yahay.
Baabila waxa ay lahayd keliya laba ilo-dhaqaale: biyaha webiga Furaat iyo dhul beereed. Reer Baabila 
waxa ay hindiseen farsamooyin ay labadaa ilood kaga dhigayaan kuwo horumariya magaalada iyo 
dadkeeda. Waxa ay biyo-xidheenno ka sameeyeen webigii Furaat, waxaanay ku leexiyeen 
dhulbeereedkii ku xeernaa magaalada. Farsamooyinkaas ayaa muddo kooban gudaheed dooxooyinkii 
boodhka badnaa ee Baabila ugu beddelay beero cagaarkooda iyo wax soosaarkooda la mahadiyay 
qurux ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
Magaaladu sidoo kale waxa ay dhaqangelisay shuruucda maaliyaddeed ee illaa hadda la adeegsado 
sida: in lacag wax lagu kala iibsado, kala xadeynta ganacsiga, kala qorashada saamiyada iyo amaahda 
iyo dhammaan noocyada amaahashada iyo deyn bixinta. Waa dhammaan nidaamyada la casriyeeyay 
ee baananka dunidu hadda ku shaqeeyaan. Magaaladu waxa ay jirtay qarniyo badan, dadkeeda waxa 
loo oggolaaday suuq xor ah iyo in ay lacag samayn karaan, Xataa addoomada ayaa la siiyay xorriyad 
ay ku shaqaysan karaan si ay hadhoow isu xoreeyaan. Buugga qaybaha dambe ayaa aynnu ugu tegi 
doonnaa tiroba dhawr addoon oo inta ay wakhtigii firaaqada ahaa shaqaysteen is xoreeyay. Qaar 
addoomadaas ka mid ahi waxa ay ku dambeeyeen hantiileyaal magaalada laga qaddariyo.
Magaalada Baabila waxa ay fahantay wax ay ummaddo badan oo hadda nooli fahmi la’yihiin. 
Magaaladu waxa ay hoodo iyo ayaan ku lahayd in ay dhif ahayd in lagu soo duulo oo la qabsado, 
iyaguna cid kuma ay duuli jirin. Dagaalladoodu waxa ay u badnaayeen kuwo dhexdooda ah iyo iska 
caabbin ay inta badan ku guuleysan jireen. Madaxda Baabila waxa ay ahaayeen kuwo ku shaqeeya 
nidaam caddaali ah oo ummaddu u siman tahay. Marnaba ma ay qabsan keli’taliyeyaal dadkooda 
gumeeya, magaalooyinka kalena ku duula.
Nasiib darro Baabila waa magaalo dunida ka suushay oo aan hadda jirin. Kumanaan sanno markii ay 
calanka u siddey ilbaxnimada iyo dhaqaalaha casrigeeda ugu dambayn waa ay baaba’day oo waa laga 
haajiray, waxaana aasay dabaylihii badnaa ee ay caanka ku ahayd. Magaaladu waxa ay ku taallay 
qaaradda Aasiya, meel lix kun oo kiilomitir bariga kaga beegan marinka Suways, waqooyiga gacanka 
Eeraan.


Cutubka Labaad: Ninkii Doonayay Dahabka

Sheekada koowaad ee taxanaha buuggu waxa ay khusaysaa laba nin oo illaa yaraantoodii saaxiib ahaa. 
Bensir waxa uu sameeyaa gaadhi faraskaa Baabila ugu wanaagsan, se weli kuma uu helin abaalmarin 
iyo xataa in loo aqoonsado dedaalkiisa. Waxa uu deggan yahay meel u dhaxaysa qasriga boqorka 
Baabila iyo guri-diimeedyada waawayn ee magaalada. Isaga waxa u dhisan aqal yar oo daarahaa 
dhaadheer ku hoos naban. Waxa uu ka mid yahay dad badan oo heer kula ah nolosha hoosaysa oo 
iyaguna aqalo yaryar ku leh hareeraha aqalkiisa. Waxa u imanaya saaxiibkii Kobbi.
Kobbi waa kaban-garaace aad u cajiib ah. Isaguna sida saaxiibkii ma helin garashadii shaqadiisa. Kobi 
uma niyad jabsana sida saaxiibkii, waxa uu qabaa rejo wanaagsan. Kobi saaxiibkii waxa uu u soo 
doontay deyn dhan laba shillin-bireed, laakiin saaxiibkii waxba kuma dhaamo. Labada nin waxa ay iska 
waraysanayaan sidii ay lacag ku samayn lahaayeen, noloshoodana wax uga beddeli lahaayeen. Waa 
ay ku qanacsan yihiin oo ku faraxsan yihiin in ay xaasas iyo caruur leeyihiin oo ay sidoo kale xor yihiin, 
laakiin dhibku waa in ay ka daaleen in ay aad u shaqeeyaan wax yarna helaan. Waxa ay isku raacayaan 
in ay la tashadaan saaxiibkoodii caruurnimo Arkad, oo hadda la sheego in uu yahay ninka Baabila ugu 
hantida badan.

Insha Allah Wuu Inosii Socon.

Comments

Popular posts from this blog

Reflecting at 25: Gratitude, Growth, and Future Aspirations

From Zero To Hero

Gorfaynta Buugga Dabinkii Jiraalka