Gorfayn Buug


Waxaan laso raftoba aan sida diinka usocdo akhrinta buugga Think and Grow Rich aya waxan halkan isku deyi doona inan kuso gunaanado bal hada waxaan ka faa'iday, siduu iguso galay aya waxay ahayd in nin oday ah oo asxaabta ka mid ah ayaa noo yimid asagoo gacanta ku sita buug duug ah balse leh jaldi soo jiidasho leh. Qacdii horeba waxaan isha ku dhuftay ciwaanka Buugga ‘Think and grow rich’. Sahan iyo eeg-eegis ayaan ku bilaabay. Oday Sahal ayaa si kadis iigu yiri “Waa buug aan kugu la talinayo in aad akhriso, waliba si deg-deg ah. Waxaan hubaa in uu kugu yeelan doono isbadal mug leh oo noloshaada  iyo shaqadaadaba ku yimaada.”

Horaantii bishii Janaayo ee sanadkaan ayaan gacanta ku dhigay buugaan. Akhris in muddo ah qaatay kadib, waa tan guudmarkii aan ku sameeyay Buugga.

Nipolean Hill (Qoraaga Buugga) ayaa waxaa imtixaamay nin la oran jiray Andrew Carnegie. Mudane Hill waxaa loo diray layli ku saabsanaa in uu soo qoro dhigane ka jawaaba su’aasha ah ‘Maxaa qofka guulaysta ka dhigay guulayste?”. Mudo 20+ sano ah ayay ku qaadatay Hill in uu baaris iyo waraysiyo ku sameeyo/la qaato qof kaste oo magac iyo maamuus lahaa sabankaasi IYO waliba dad badan oo fashilmay (si uu u ogaado sababta ay waayuhu uga hiiliyeen). Buugani waa natiijada/ogaalka baaris, dabagal iyo waraysiyo qaatay mudo rubuc qarni ku dhaw. 

Buugani oo mararka qaar lagu magacaabo awoowga buugaagta ka hadla horumarka qofka oo daabacadiisii ugu horeysay ay soo baxday 1937 ayaa ka kooban  ‘13 fure/mabda’’ oo uu qoraagu sheegay in uu kala soo dhex baxay kulamo iyo waraysiyo/baaris uu la yeeshay/ uu ku sameeyay in ka badan 500 oo qof.

Think and Grow Rich waa qariirad qeexaya sidii aad ku noqon lahayd maal qabeen ama aad u gaari lahayd guul shakhsi. Buuggu kama waramayo sidii aad ganacsi u bilaabi lahayd ama aad maalgalin u samayn lahayd, balse taa badalkeeda, waxaa uu diiradda saarayaa koriinka, horumarinta kasmo-nafeedka, shucuurta iyo ruuxaaniyadda qofka. Dhiganaha kuma saabsana kaliya in aad maalqabeen noqoto: Waxaa uu sidoo kale taabanayaa in aad si dhug leh u ogaato ‘waxa aad rabto’. Qoraagu mark uu ka hadayo TAAJIRNIMO, kama wado kaliya isku filnaansho maaliyadeed basle waa helista caafimaad jireed iyo ahaanshiyaha qof ay ruuxaaniyaddiisu xooggan tahay.

Intii uu ku guda jiray baarista ayuu sheegayaa in uu ku ogaaday in dhamaan dadka heerka nolosha ka gaaray  ay waxyaabo badan iska shabahaan. Waxaa ayna duruufta iyo waayaha ay u abaareen habab iska wada ag-dhow.  Qoraaga ayaa daraasadda ku caddeynaya in dadka uu baarista ku sameeyay ay mihnadahooda, dhalashadooda iyo da’dooduba kala duwan tahay balse  dhamaantood ay isaga mid ahaayeen in ay raaceen/qaadeen xeerar iyo qaacidooyin gaarsiiyay heerka ay rabeen.

Buuggan, wuxu ka mid yahay buugta fara ku tiriska ah ee saamaynta wayn ku yeeshay dhammaan tababbarreyaasha iyo qoraayada mucaasiriinta ah ee mawduuca horuamrinta shaqsiga iyo guusha ku can baxay. Napoleon Hill wuxu buuggan qoray 1937 kii. Sababtii keentay qoraalkiisana waxay ahayd sidatan:Andrew Carnegie oo ahaa hantiile Scottish American ah, ayaa wuxu ka codsaday in uu Napoleon buug ka qoro siraha dadkiinaajixiinta ahaa ee xilligaa caanka ka dhex ahaa bulshada. Napoleon wuu aqbalay codsigii Garnegie, wuxuu na bilaabay in uu la kulmo, waraystana dhammaan dadkii hal-doorka ahaa ee si uun bulshada dhexdeeda uga soo mudh-baxay, hadday hantiileyaal yihiin, hadday madaxwayneyaal yihiin iyo hadday hal-abuuro dunida wax kusoo kordhiyay yihiin ba. Dadkaa uu waraystay ee uu sirtii guushooda ka dambaysay buuggan ku dhex keydiyay waxa ka mid ahaa: Henry Ford, Thomas Edison,   J. P. Morgan, John D. Rockefeller iyo boqollaal kale. Dabadeed na wuxu ka qoray labo buug, oo midna la yidhaahdo `Xeerarka Guusha` midna uu yahay buuggan `Think and Grow Rich`

Wuxu buuggan kusoo ban-dhigayaa 13 qaaciido ama sir oo ay wadaageen dadkaa guulaystay. Sidii se caadada inoo ahayd, waxaan idinla wadaagayaa 7-da sir ee buugga iga soo jiidatay.



Fiiro Gaara: Qawaacidda ama siraha buuggan ku jira kaliya ugama faa’iidaysan karno inaan dhaqaale ahaan hodon noqonno, waxaan sidoo kale uga faa’iidaysan karnaa hodminta dhammaan qaybaha nolosheenna oo dhan sida cilaaqaadkeenna, caqliyadeenna, caafimaadkeenna iwm.

Desire (doonis aad ah): Qoraagu wuxu leeyahay, dhammaan dadkaa aan waraystay waxay wadeegeen doonis dhab ah oo ay doonayeen waxaa ay ku guulaysteen. Wuxu leeyahay doonistu waa bar-billowga yool-gaadhidda noocuu doono iyo heerkuu doonaba ha gaadhsiisnaadee. Doonistaadu iyo raqbadaadu waa inay gaadhsiisan tahay qof madaxiisu dab qabsaday oo kale sida uu biyo uu dabka isaga damiyo ugu baahan yahay oo kale.
Haddaba doonistaasi waa in ay ku salaysan tahay dhowrkan qodob. Wuxu leeyahay waxa jira 6 tallaabo oo aad doonistaada u mari kari karayso. Tusaale haddaynnu lacagta usoo qaadanno, wuxu leeyahay 1. Xaddid tirade lacagta aad doonayso inaad hantido. 2) Dadeedna is waydii waxaa aad doonayso in aad ku baddelanayso waxa aad doonayso ee wakhti ah, ee juhdi ah, ee soo jeed ah, iwm. 3) Dooro oo qabso muddo xaddidan oo aad doonayso in aad lacagtaa ku hesho.  4) Qorsho-ficileed dejiso oo billow dhaqan gelinteeda sida ugu dhaqsaha badan. 5) 4ta tallaabo ee hore adigoo ka duulaya, warqad iyo qalin qaado oo qor yoolkaaga adigoo raacinaya muddada aad qabsatay ee aad ku doonayso in aad hesho. Qor waxa aad doonayso oo xaddidan, deedna is waydii waxa aad dhaafsiisanayso (ku baddelanayso), deedna qabso muddo go’an oo aad ku helayso waxa aad doonayso, deedna qor yoolkaa iyo qorshaha oo dhammaystiran. 6) Warqaddaa aad qortay kor u akhri labo jeer maalintii (habeenkii marka aad sii seexanayso iyo subixii kolka aad soo kacdo). Adigoo kor u akhrinaya warqadda, haddana mala-awaal oo sawirro adigoo helay waxa aad doonaysay. Hadda ma ila socotaa! Iskama riyoonayside, wax aad qorsheysay, oo aad muddaysay, oo aad dharraar wal ba u hawl-gelaysid baad haddana sawiranaysaa oo aad mala-awaalaysaa adigoo wixii helay.

Furaha labaad ee doonista soo raaca, wuxuu leeyahay waa rumayn. Waa in aad ku kalsoontahay inaad gaadhi karayso yoolkaa. Haddii aanad rumaysnayn inaad gaadhi karayso waxa aad doonayso, dedaalkaagu iyo doonistaadu ba waa bar-kuma taal. Siyaabaha uu qofku rumayntaa ku yeelan karana wuxu leeyahay waxa ka mid ah in uu yidhaahdo erayo naftiisa uu ku dhiirro-gelinayo isagoo afka ka odhan kara ama gidaarka ku dhejisan kara warqado ay ku qoran yihiin erayo naftiisa dhiirrigelinaya oo tilmaamaya in uu leeyahay karaankii iyo kartidii uu ku gaadhi kari lahaa yoolkiisa. Sidoo kale, wuxu dhiirrinayaa qofku in uu warqad yar ku qorto waxa uu doonayo iyo qorshihiisa oo dhammaystiran, deed na uu jeebka ku wato, had iyo jeerna uu indhaha mariyo. Wuxu leeyahay, farriintaasi waxay u dhaadhaca maskaxda qaybteeda la yidhaahdo sub-consciousmind oo ah bangiga kaydiya xasuusaha.
Aqoon aad ku taqasusutay yeelo: Wuxu leeyahay si aad u noqoto qof suuqa qiimo badan ka gooya, waa inaad leedahay wax aad aqoon gaara u leedahay. Waa in uu jiro wax aad ku taqasustay oo suuqa qiimo badan ka jooga. 1937 haddii uu lahaa Napoleon Hill manta waxa suuqa qiimo ka goyn kara qof leh taqasus, waxaan is leeyahay maanta way kasii xag jirtaa. Beryihii hore qof wax walba wax ka yaqaan, laakiin aan taqasuska lahayn qiimo aad u badan buu suuqa ka joogay, waayo dadka inta wax kiyaawe Ingiriiska ah (waxyaabo badan qaban kara) baa yaraa, laakiin maanta sidii way ka duwan tahay. Taqasusaadkii wuu fara batay oo cilmi shalay labo laamood lahaa baa maanta 100 laamood leh. Marka waa muhiim in aad wax kaliya ku toosto oo aad kaalinta koowaad ka gasho haddii aad doonayso in aad suuqo qiimo badan ka goyso.
Mala-awaal (emagination). Wax waliba inta aan la qaban ama la gaadhin, kolka hore waa khiyaal uu qofku mala-awaasho. Qoraagu wuxu leeyahay waxaad u baahan tahay inaad si waafiya aad mala-awaalkaaga u adeegsato oo aad sawirran karayso heerka iyo kalka aad hiigsanayso. Waayo haddaadan marka hore mala-awaal ku tegin oo aadan sawirran adigoo gaadhay ama arka halka aad hiigsanayso, way kugu adkaanaysaa u socodkeeda. Isla qodoban oo kale, waxaan ku soo qaadannay buugii Steven Covey ee `The Seven Habits of Highly Effective People` markii u lahaa, wax waliba waxay abuurmaan labo jeer: mar maanka ayaaa lagu abuuraa oo waa khiyaal iyo riyo, marna waa marka la dhaqan geliyo ee fal ahaan loo sameeyo. Napoleon Hill wuxu leeyahay `Wax wal oo uu maanka aadanaha sawirran karo, rumaynna karo in uu gaadhi karo, wuu gaadhaa`. Wax badan ka feker oo suurayso hadba waxa aad doonayso adigoo ku celicelinaya mala-awaal ku tegidda halka aad doonayso. Taa waxay kaa caawinaysaa in uu dhambaalkaasi gaadho, waxna ka baddelo maskaxda qaybteeda hoose ee sub-conscious ka la yidhaahdo oo ah xarunta ay ku kaydan yihiin xasuusihii tan iyo markaad yarayd.
Qorshe nidaamsan: Qoraagu wuxu leeyahay marka aad doonis la timaaddid, ee aad rumayntii la timaaddid, ee aad wax kaliya barashadiisa u ku wanaagsanaantiisa la timaaddid, ee aad sawirrato halka aad doonayso iyo waxa aad doonayso, la imow qorsho nidaamsan oo qoran. Intaa hore ee dhan waxa aad doonayso maankaaga uun buu ku jiray, imminka warqad ku dul-qor. Daraasaad aad u fara badan baa waxay tilmaamayaan wixii aan qorin ee aan la qorsheen in aanay inta badan qofka u qabsoomin. Waxaad u baahan tahay inaad mala-awaalkaa waqici ka dhigto oo aad qorsheeso. Tusalee haddii uu yahay wax aad doonayso in aad 10 sano gudahood ku gaadho, gadaal gadaal usoo qorshee (reverse engineer). Qor qoshaha tobanka sano ee soo sacda ee aad ku gaadhayso halka aad doonayso, deedna ku xeji 5 sano ee soo socota waxa aad doonayso inaad xaqiijiso ee u adeegaya hadafkaagaa guud, deedna qor qorshahaaga sanadlaha ah, deedna midka lix biloodlaha, illaa aad kasoo gaadho saacadda aad imminka joogto iyo waxa ay tahay inaad qabato ee u kuu sii dhawaynaya yoolkaagaa fog.

Adkaysi (persistence): Caalamadaha uu qoraagu ku arkay dhowrkii boqol ee hal-door ee uu waraystay waxa ka mid ahaa adkaysi. Qofku inta uu ku gudo jiro halganka uu ku doonayo meesha uu rabo in uu gaadho, waxa ka hor imaanaya caqabado aad u fara badan, caqabadaahaa haddaanu dhex jiirinna gaadhi kari mayo halka uu doonayo. Dadkaa uu waraystay waxa ka mid ahaa Thomas Edison oo ahaa ninkii lahaa hal-abuuridda nalka iyo boqollaal kale oo ikhtiraac. Intii uu nalka hal-abuuriddiisa ku guda jiray, wuxuu guul-darraystay ku dhawaad kun jeer, haddana intaa wuu u dhabar adeegayay. Waxa riixayay ee uu halkankaa dheer ugu adkaysanayayna waxaa hooyo iyo aabbe ka ahaa doonistiisa oo aad u xooganayd iyo kalsoonida uu ku qabay kartidiisa iyo ciddii markaa la shaqaynaysay.
Master Mind: Qoraagu master mind wuxu ku tilmaamayaa waxa maanta loo yaqaan mentorship ka oo kale. Wuxu leeyahay, qofku wuxu u baahan yahay dad kaga horreeya waxa uu doonayo in uu si joogta ah ugala tashado hadba tallaabada uu qaadayo. Dad uu toddobaadkii mar ama labadii toddobaadba uu mar la kulmo oo uu u soo ban-dhigo halka ay wax u marayaan oo warcelin (feedback) ka siiya waxa u saxan iyo wax aka khaldan. Dadkaa iyaga ah saaxiibbo kula heer ah ama Kaaba heer sarreeya oo daacada oo aqoon u leh halka aad u socoto iyo safarka aad ku jirtana way noqon karaan. Muhiimmaddu waa uun cid aqoon u leh waddada aad doonayso inaad u marto yoolkaaga, deedna ku hoga-tusaaleeya oo kuu soo gaabiya wax uu wakhti aad u fara badan kaaga bixi lahaa. Dadkaa joogteeso la kulankooda, lana socodsii hadba halka ay wax kuu marayaan. Dhammaan haddaad eegto dadkii dunida saamynta ku yeeshay, waxaad ogaanaysaa in ay menter u ahaayeen dad kale oo iyagana guulaystay. Culimadeenni hore bal eeg: imam Axmed waxa macallin iyo menter u ahaa Imaam shaafici, imam shaafici waxa menter iyo macallin u ahaa imam Maalik, imaam Maalik na waxaa menter iyo macallin u ahaa Imaam Abuu Xaniifah. Abu Xaniifana waxa u macallimiin ahaa oo uu soo gaadhay qaar ka mida saxaabbadii uu nabiga soo tarbiyeeyay. Ragga maanta galbeedka jooga ee dunida wax kusoo kordhiyay eeg: Bill Gate waxa saaxiib dhow iyo menter ba u ah Warren Buffet, Mark Zuckerberg wuxu la tashan jiray Steve Jobs, Tony Robbins waxa menter iyo macallin u ahaa caalimkii horumarinta aadanaha ee la odhan jiray Jim Rohn. Qof kasta oo wax soo kordhiyay haddaad noloshiisa dib u raacdo, waxaad ogaanaysaa in uu lahaa cid uu ku dayan jiray oo uu hiigsan jiray makaanadooda iyo macallimiin iyo menterro hogatusaalayn.

Ugu dambayn, si guud marka loo eego buuggu, waxaan oran karaa aad ayay isugu xiran yihiin, isuguna dhow-yihiin cutubyada. Waxaa kale oo aan ogaaday in jiraan cutub hoosaayo kaligood noqon kara jus dhan. Ceebta ugu wayn ee 
ee buugga ayaa ah in uu aad  diiradda ugu badani uu saaray ‘noqoshada taajir maaliyadeed’ iyo rag badan oo uu tusaale ka dhigtay oo hal waddan u badan in kastoo horudhicii buugga uu ku sheegay in dadka uu waraystay ay isugu jiraan inta badan issirka aadanaha. Waxaan aad uga helay cutubka 4aad oo aad u dhaliilaayo habka waxbarasho ee dunida haatan ka jira, waxaa uu sidoo kale bixinayaa tusaalooyin maangal ah oo uu ku bayaaninaayo sida loogu baahan-yahay in waxbarashadu u noqoto mid qofka ku keenta isbadal maskaxeed iyo mid bulsho oo dhab ah; waxaa uu cutubku ku soo gababagaynayaa sida muhiim ay u tahay in aqoontaadu ay kaabto qorshe nololeedkaaga.

Waan kugula talinayaa in aad akhriso dhiganaha Think and Grow Rich, gaar ahaan daabacaddiisii ugu horeysay ee la soo baxday dab-shidkii 1937dii.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Reflecting at 25: Gratitude, Growth, and Future Aspirations

From Zero To Hero

Gorfaynta Buugga Dabinkii Jiraalka