MAALMIHII NOLOSHAYDA


Falaadhaha casuusta ah ee qoraxda soo bax iyo galbashoba daawashadoodu waxay ii ahayd waxa ugu qiimaha badan ee maalin kasta isoo mari jirey.
Sayaxa dhulka, dharabka iyo qorax soo baxa ayaa ahaa waxaan arooryo kasta indhaha ku kala qaadi jirey; daawo dabiici ah ayay aheyd, waxkasta oo aad soo marteyna kaaga maydhaysa si raaxo leh.
Ololka dabka caweyska la shidayo, kaftanka, iyo madasha qaabeysan ayaa iyana xusuus gooni ah lahayd. 

Buurta guriga u dhow ayaa ii aheyd mid mudnaan leh, waqtigayga ugu badana aan aniga iyo buugtaydu ku wada sheekaysan jirney.
Habeenada caddada ah ayaa ahaa kuwo micne gaar ah ii sameeya oo hamuun ii geliya daawashada dayaxa iyo xidigaha ku xareeraysan, mararka qaar nolol abaabulan ayaan ka dhex daawan jirey, sheeko taxane ah ayaa noo socon jirtey oo habeenka 15aadka cutub walba soo afmeermi jirey. mararkaas oo kale Kitaabka Mustafa saadiq Raafici ee( حديث القمر) iyo kan uu qoray Fyodor Dostoevsky ee (White Nights) ayaan soo xasuusan jirey.

Xoolo raacista subaxii kolka weyso yar biyo ku qaadato ayaa aheyd waxyaalaha ugu qurxoon ee maalmahaasi koobsanayeen.
Dadka deegaanka ku nool noloshoodu waxaan ku sifeynayey mid farxad oo dhan koobsatay; waa dad qalbi xaadhan oo kaftan badan isu calool fiyow oon cuqdad lahayn, is jecel oo is booqda.
Sifooyinka makhluuqa deegaankaas ku nool ugu soo jiidashada badani waa ilbaxnimada heerka sareysa ee aan reer magaalku sinaba ugu gaadheyn. Xoriyadda shakhsiga ayay si weyn u ixtiraamaan oo amuuro aan khuseyn kama taliyaan. waa awliyo carruurtooda bartay wada noolaanshaha dhabta ah iyo is jacaylka, xiqdi iyo xumaana aan cid kale u hayn; dhanka kale soomaalinimadooda si weyn u qirsan oo aan carab isu haysan. Badankoodu waa dad hibo faneed oo cajiib ah leh, heesaha soomaalidana si weyn u xafidsan oo dhegaysigooda badsada. Badanka waa dad jecel qof kasta oo meel gaadha iyaga oon jinsiyadiisa iyo Ictiqaadkiisa midna ku xidhayn. 
Habeeno badan inaan kasoo toosay barti aan ku dhashay xuduntayduna ku aasneyd ayaa qiimo ii samayneysay! Degtu waxay i tustay inaan markale nolol qurux badan ku noolaansheheeda xaq u leeyahay!

Qoysku waxay ahaayeen kuwo aad u nolol duwan oo aanan marnaba arag dadyow sidaas u dhaqma Hooyo, Aabo iyo walaaloba dhaqankoodu mid aan qoraal kaga geyoon karayo ma aheyn; maalmahani waa maalmaha qudha ee aan naxariista hooyo, Aabo iyo walaalnnimada dhabta ah toos u dareemay.
Ma garan karo ilaa iminka noloshaas magac aan ku sifeeyo oo qaamuuskeena ku jira; dadka sifooyinkaas leh qof kasta oo arka wuxuu ilaawayaa wax kasta oo maankiisa iyo xusuustiisa ku kaydsan oo xumaan ah, keliya is jacayl iyo debecsanaan ayuu dareemayaa!
Degtu waxay ku taalaa bariga gobolka saaxil, meel magaalada Sheikh u jirta ilaa 40Km. Waa deegaan banaan, buuraley, iyo Dooxooyinba isugu jira oo la yaab badan!


Comments

  1. Idiris Maxamuud SiciidJune 6, 2020 at 3:52 AM

    Allaahu akbar alaylahe ayaamo quruxbadnaa ayaad na dhexjoojisay

    ReplyDelete
  2. Alle yacizak Alayle wakhti qurux badan bad soo qadatay

    ReplyDelete
  3. Ayaamo qurux badan ayaad soo martay sxb.
    Alla yacisak maalmo kasii quruc badan ayaan kuu rajaynayaa

    ReplyDelete
  4. Maalimo wacan bay ahaayeen🥰

    ReplyDelete
  5. Wow so amazing Story brother 💐

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Reflecting at 25: Gratitude, Growth, and Future Aspirations

From Zero To Hero

Gorfaynta Buugga Dabinkii Jiraalka