Posts

Showing posts from May, 2026

2014 - 2026

Image
WADA SHEEKEYSI ANIGOO 15 JIR AH 2014kii IYO ANIGOO 27 JIR AH 2026 "Asc iska waran Jamaal, gadhbaa yeelatey😂" Wcs, Haa hhh iyo shaarubaha ma arkaysid, sxb bilaa gadhka waad ku foolxumayd💔" "😂Jamaal iiga waran nolosha mustaqbalka waa sidee?🤔" "Way fiicantahay, dhana way ka xuntahay, Xoriyad badan baa haysataa, guriga xili hore kaalay laguma odhanayo, shaqo guri laga shaqaynayaa majirto, lkn hadana loxoodii iyo suugadi yarayd ee hooyo kusiin jirtey qadada kahor marka iskuulka ka timaado majirto sxb!" "Maaha! 😢 Kwrn ma noqonay Pilot?"  "Maya sxb, maynaan noqonin lkn diyaarad waynu raacnay Ethopia hooyo uraaci doonta, daaqada ayaad fadhiisan halkaas baa ka daawan doonta daruuraha." "Kwrn dhankii asxaabta Salmaan iyo Cabdiraxmaan ma isla socotaan weli?"  "Maya, noloshu way sii ahaan weydey siday hada kuu tahay, qof walbana dantiisa ayuu raacay oo la isma haleelayo sxb" "Cajiib, kwrn caruur aad dhashay, guri ...