2014 - 2026

WADA SHEEKEYSI ANIGOO 15 JIR AH 2014kii IYO ANIGOO 27 JIR AH 2026

"Asc iska waran Jamaal, gadhbaa yeelatey😂"

Wcs, Haa hhh iyo shaarubaha ma arkaysid, sxb bilaa gadhka waad ku foolxumayd💔"

"😂Jamaal iiga waran nolosha mustaqbalka waa sidee?🤔"



"Way fiicantahay, dhana way ka xuntahay, Xoriyad badan baa haysataa, guriga xili hore kaalay laguma odhanayo, shaqo guri laga shaqaynayaa majirto, lkn hadana loxoodii iyo suugadi yarayd ee hooyo kusiin jirtey qadada kahor marka iskuulka ka timaado majirto sxb!"







"Maaha! 😢 Kwrn ma noqonay Pilot?"

 "Maya sxb, maynaan noqonin lkn diyaarad waynu raacnay Ethopia hooyo uraaci doonta, daaqada ayaad fadhiisan halkaas baa ka daawan doonta daruuraha."

"Kwrn dhankii asxaabta Salmaan iyo Cabdiraxmaan ma isla socotaan weli?"
 "Maya, noloshu way sii ahaan weydey siday hada kuu tahay, qof walbana dantiisa ayuu raacay oo la isma haleelayo sxb"

"Cajiib, kwrn caruur aad dhashay, guri cad iyo gaadhi ma yeelatey?😒"


"Hhh saas dhan may inoola fududayd berigaas, intooda badan way inoo suurto gashay, hal mid ba inaga dhiman sxb"


"Sxb iiga waran ardaydii aynu isku fasalka ahayn hal ama laba qof toona weli ma isla soconaa 2026ka?"
"Maya, hal qofna alle ha ka dhigee dhamaantood 81 kii qof ee isku fasalka ahayn hablo iyo inamo midna inalama joogo!"


"Sxb ma jeceshay inaad mar uun dib ugusoo yar laabato 2014"

"Haa waayo! waxkasta wan ku bixin laha inaan lasoo ciyaaro kubadii geedka Jacaylka lagu ciyaari jirey iyo asxaabtii bilaa xaasidka ahaa"
"Sxb weli mala kulantey qof aad jeceshay"


"aamus waryaa 15 Jirbaa tahay wxy Jacaylka aad ka hadlaysa, orod waxaagi qayb"


"Haye sxb, ee lkn ugu yaraan mala kulmi doona qofkaas?"

"Haa sxb weliba markii 1aad ee si niyada aad qof u jeclaato, lkn ogow ma awoodi doontid inaad si fiican jaanis u heshid"
"Waayo markaa?"


"Su'aal kale miyaan kaaga jowaaba?"

"Haa, kwrn Dhamaan walaaleheen ma guursdeen, caruur ma leeyihiin?"

"Haa alxamdulilaah dhamaantood guryo ayay leyihiin, caruurna way leyihiin intuba"


"iiga waran Basketbalkii xulka gobolka maraaci doonaa?"


"Haa waad raaci doonta, Final ayaad iman doonta"

"Ayy! Waa maxay waxa aan xooga saaraa?"
"waxa ugu weyn ee aad xooga saarta waa inaad xidhiidhiso dadka, sxb dadka ma xidhiidhin doontid, ma awoodi doontid inad qof lahadasho adoo ka baqaya in aad dhibaateynayso ama wakhtigooda ka qaadayso, oo ay ku dhibsadaan!... lkn markasta diyaarbad u ahaaneysa iyaga markay kuso xidhiidhiyaan, adigu ku dedaal inad barato lahadalka dadka."







Comments

Popular posts from this blog

From Zero To Hero

2 YEARS LATER

MAALMIHII NOLOSHAYDA