Markabki Mucjisada


Mid ka mid sheekooyinka ugu caansan ee markabka cirfiidka, sheekada SS Ourang Medan waa mid qarsoon. Sida xogaha ilaa hada lahayn ayaa waxa la yidhaahda in 1947 markab xamuul oo laga leeyahay meel ka baxsan xeebaha Indonesia ayaa wacay qaylo dhaan ah isagoo leh ereyada: “Dhamaan askarta uu ku jiro kabtanka way dhinteen iyagoo jiifa iyo buundada. Waxa suurta gal ah in dhamaan shaqaalihii ladilay.” Kahor inta aan gargaarku imaan, fariin labaad ayaa lagu dhageystay labo erey oo keliya:“ Waan dhimanayaa. ”

Shaqaalaha samatabixinta ee markabka fuulay waxay ogaadeen argagaxdooda in shaqaalihii markabka ay runtii dhinteen iyagoo jirkooda isku laa-laabmay gacmihiina ay u fidiyeen sidii qof wax weeraraya, laakiin aan lahayn wax calaamado ah oo dhaawac ah. Dab ka kacay qol matoor ayaa markaa sababay markabkii in la daayo oo aakhirkii uu quuso, isagoo la quusaya fursad kasta oo baaritaan qalliin ah, oo lagu baadhilaha Jidhka Davy Jones.


Warbixinno dambe ayaa ka hor yimid sheekadaa, si kastaba ha noqotee, iyadoo maqaal ay daabacday 1948 ay ku xusan tahay inay ku eedeeyeen geerida dhaaman rakaabka markabka ay ku dillaacday - aysiidha (Acid) sulfuric oo uu markabku siday.
 Waxa intaa ka sii badan, ma jiraan wax diiwaangelin ah oo ku saabsan Diiwaanka SS Orang Medan ee Diiwaanka Lloyd, taasoo horseedaysa in dadka qaar ay ku soo gabagabeeyaan in sheekadan cirfiidka ahi ay been abuur tahay.

W/T: uk

Comments

Popular posts from this blog

Reflecting at 25: Gratitude, Growth, and Future Aspirations

From Zero To Hero

Gorfaynta Buugga Dabinkii Jiraalka